BAAQ KU SOCDA BULSHADDA ISBEDELDOONKA AH.

BAAQ KU SOCDA BULSHADDA ISBEDELDOONKA AH.
Baaq ku socda Bulshadda isbedel-doonka ah.
by Ismail Abdi jiir.

Dhamaan bulsho weynta Soomaalilad way salaamanyihiin, Sidda aynu ulla wadda socono ama ay dad badani ka dhawaajiyeen in S/lanad ay isbedel la taaban karro u baahantahay, haddaba waxa weeye sidee ayaa lagu gaadhayaa
isbedelkaa halkeese loo marayaa ama sallaanka ugu dhow ee loo sii mari karaa waa kee, waxay illa tahay in su’aashaa
aad loo wadda fahmo, Bulshaddii soomaaliland waxay ku dhacdaey jaho wareer waayo waxa jira laba Xisbi oo isbedel
doon ah una diyaara in ay maamulkan ina riyaalle mid ka fiican oo tayo leh ku bedellaan Sharciyaddana waafaqsan.

Haddaba Maalmahan u danbeeyey waxa soo if baxayey ururo cusub, iyo shiqsiyaad sheeganaya inay is bedel raadinayaan, Amma taageerayaashii udub oo iyaguna isbedelkii u muuqday laakiinse aan welli hellin siddii uu ku iman
lahaa is bedelku.

Anniga shiqsiyan waxay illa tahay in fekerka is bedel-doonka la mideeyo laysuguna geeyo halka ugu mihiimsan ee u muuqata in ay ku dhowdahay jaranjartii loo kori lahaa is bedelka, oo xitaa hadday noqoto labadda xisbi mucaarid
ay bulshaddu xisaabtano oo ay Codkoodda Meel qudha isugu geeyaan. Si loo hello isbedel dhab ah Waayo
arrinku wuu dhaafay codd lagu khamaaro ama lakala jejebiyo Xisbiyadda Mucaaradkuna waa isku haddaf.

Waxa wax aan la qaadan karin ah Fadeexadda, cagajuglaynta, Muquuniska, iyo addeegsiga askarta ee la kowsaday
Shirweeynihii udub ee mudada la saadaalinaayey, kaas oo ina xasuusiyey habkii dowladdii faqashtu u dhaqmi jirtey
iyo Durbaankii iyo mushxaradii kasoo horeysay.

Waxa kalle oo ay Tusaalle u tahay Doorashada la filayo iyo waxay ka yeeli doonaan Riyaale iyo kuxigeenkiisu, waa
mid muuqata ninka xisbigiisii siddaa waxashnimadda ah ulla dhaqmay cidd kallena teello u dhigan maayo ee wixiisu
waa jajuub iyo xoogg baan wax ku rabaa, Arrinkaas oo ah mid aan dan u ahayn soomaaliland.

Haddaba Si kasta ha ahaatee waxaan ugu baaqayaa dhamaanba Bulshadda reer soomaalilad ee isbedeldoonka ah
ama rabta in dowladan fadhiidka ahi meesha ka kacdo in ay codkooda mideeyaan, wada tashi buuxda sameeyaan
kana doodaan si aan codkoodu u khasaarin oo aanu qayb u gellin, waayo Ina riyaalle Maanta hadduu dhaafo halka
uu taagan yahay Waxa looga gudbaa waa Soddankii sanno ee ina Siyaad Barre.

Bulshoy Ka bax Xisbigan iyo xisbigan ayaan u coddeynayaa Ee ka feker waxa soo socda iyo sansaanka kuu Muuqda
Ee dhabta ah. Waxaan kusoo koobayaa arinkani ma khuseeyo oo qudha shacabka ee arrin guud oo xisbiyadda u yaala
inay ka tashadaan, Baarlamka u yaalla, Guurtida u yaalla, Shaqaalaha dowladda iyo Askarta Qudhooda u yaalla oo
isbedelkani si weyn u saameyn lahaa xaquuqdoodani ay ku gaadhi lahaayeen iyo nollol ka wanaagsan ta maanta.

Soomaali-land Guul ayaan u rajeynayaa iyo is afgarad. Aamiin.

ismail abdi jiir, london.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: