ADIGA OO WAX DOORAN KARA DUCO DOONOOW, DAGAAL OOGE DIIDOO, UDUB DOORO

ADIGA OO WAX DOORAN KARA DUCO DOONOOW, DAGAAL OOGE DIIDOO, UDUB DOORO
Adiga oo Wax Dooran Kara Duco Doonoow, Dagaal Ooge Diidoo, UDUB Dooro – By Jamac Ducaale
Ninkii raba Dhiigland, Bililiqoland, Musuqmaasuqland, Dagaalsokeeyeland, Dulmiland Dibudhacland, Qabyaaladland codkaaga sii KULMIYE. 

Ninkii raba Somaliland, Barwaaqoland, Badhaadheland, Sinnaanland, Cadaaladland IWM cokaaga sii UDUB.

Waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta xorta iyo xalaasha ah, ee sida daacadda ah ugu adeega shacabkooda meel kasta ooy joogaan. waxaan kale oo salaamayaa shacabka reer soomaaliland ee daneeya dimoqraadiyadda iyo horumarka dalkooda ee ka guuray qaab fekerka shaqsi iyo beel taageerka una guuray qaab fekerka qaran iyo dan guud.

Akhristayaal haddaan dib ugu noqdo fariinta cinwaanka maqaalkani xambaarsan yahay, waxaan filayaa shaqsi kasta oo xiskiisu dhan yahay inuu fahmi karo, ogyahayna in shaqsiyaad gaar ah oo huwan shaadhka xisbi qaran, balse dusha ka sumuli,hoosta ka caanteyn ahi ay beryahan dambe ku sifoobeen xaalad abuurnimo. Shaqsiyaadkaas waxa ka soo burqanaya hanjabaadyo aan loo meel dayin,mararka qaarkoodna aflagaado shaqsi isu bedela. Qofka xil qaran haya ama danaynaya inuu qabto waa inuu ka caaganaadaa: dulqaad yarida,hanjabaadaha,aflagaadada iwm.

Akhristoow tan iyo intii Somaliland ku dhawaagtay gooni isu taageeda waxay soo martay marxalado kala gedisan, oo ay lasoo kufaa kacday, qaarkoodna ay xambaarsanaayeen murugo. Mucjisooyinkaasi waxay isugu jireen qaar dabiici ah iyo qaar dad samee ah. Kuwa dabiiciga ah sida abaaraha waa wax ilaahay keenay, inkastoo qayb aynu ka nahay maadaama oo aynu dhulkii kaymaha xaalufinay,taas oo sababtay nabaadguur. Kuwa dad sameega ah waa kuwo ay aabe u ahaayeen shaqsiyaad maanta jooga oo xilal qaran haya,welibana hunguri ka hayo inay qabtaan mansabyada ugu sareeya qaab dhismeedka dowladda.

Masiibooyinkii sannadaha badan aafeeyey qarankan ayaanka daran waxay soo afjarmeen kadib markii shacabka oo isku duubani ay bedeleen jihadii markabka ee ku salaysnayd qabyaaladda, una guureen qaab dhismeed qaran,dimuqraadiyad iyo kawada tashiga danta guud.
Gurmadkan qaranku wuxuu dhalay saddex xisbi qaran oo ku loolama talada dalka. Xisbiyadani waxay isu soo taageen dhowr doorasho oo kala duwan sida doorashadii golaha deegaanka,tii golaha wakiilada iyo tii madaxtooyada.

Dabayaaqada bisha foodda inagu soo haysa ee maarso(march) ayaa loo ballansan yahay inay qabsoonto doorashadii madaxtooyada ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka talada waddanka hayn doona 5-ta sano ee foodda inagu soo haya.

Shaqsiyaadka u tartamaya jagada madaxweynenimada ee labada xisbi mucaarad waxa u taagan shaqsiyaadkii doorashadii hore lagaga guuleystay tartanka. waa labadoodii oo aan biyo is marin. waxa usoo kordhay oo qudha waa:

1- Da’doodii oo sii waynaatey,

2- Kelmadihii ay u adeegsan jireen aflagaadada xukuumadda iyo madaxweynaha oo berigaa kumanaan ahaa ayaa hadda malaayiin gaaraya.

Xisbiga talada haya waa udube waxa ay ballan ku qaadeen inay si dimuqraadi ah ay talada u wareejin doonaan haddii laga guulaysto, halka xisbiga Kulmiyena ay hanjabayaan oo ku dhaaranayaan in wax dhici doonaan.

Akhristoow halkaa miyaan laga dhadhansan karin in Kulmiye aanu dan ka lahayn shacabkan iyo gidaarada nabadda iyo dimuqraadiyadda ee ay soo dhisteen. Sheekada kulmiye waa “cadyahow ama ku cunay ama ku ciideeyey”.

Hadaba anigoo ku hadlaya magaca shacabka nabadda jecel ,Kulmiye iyo ciddii la fikir ahba waxaan uga digaynaa in ay joojiyaan tola’ayeeyda iyo beeleysiga ay ku raadinayaan taageerada dad yar oo durbaan qabiil loo tumayo. Dhegaha dadka danaynaya qaranimada somaliland ma maqlayaan durbaanka beelaysiga ah ee aad danihiina gaarka ah ku fushanaysaan.

Haddaad rabtaan taageerada shacabka laguma kasban karo qabyaalad ee ku kasbo barnaamij siyaasadeed. Waxaan shacabka xalaasha ah ee reer somaliland ugu baaqayaa inay si wada jir ah u ilaashadaan qaranimadooda,dimuqraadiyadooda iyo nabadgelyadooda. si taas loo hantana waa idinkoo codkiina ugu deeqa UDUB. Qof jecel inuu dib u talaabsado dunida ma jiro ilaa KULMIYE mooyee.
Ninkii raba Dhiigland,Bililiqoland,Musuqmaasuqland,Dagaalsokeeyeland,Dulmiland Dibudhacland,Qabyaaladland codkaaga sii KULMIYE. Ninkii raba Somaliland, Barwaaqoland,Badhaadheland,Sinnaanland,Cadaaladland IWM cokaaga sii UDUB.

UDUB waa xisbiga ay ku midaysan yihiin dhamaan aqoonyahanka,siyaasiga,ururada bulshada ee gobolada dalka oo dhan,halka Kulmiye isku koobay inuu taageero ka helo beel gaar ah. Marka dhinaca masiibada qabiileysan laga hadlayo ee weyneyso (microscoop) lagu eego xisbiyada dhexdooda KULMIYE 99% wuxuu ku salaysan yahay qabyaalad. Labada xisbi ee kale arrintaas way ka fayow yihiin.

Jama Dualleh

Hargaysa, S/land

Email: jaamacducaale09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: