MUDANE M/WEYNE MA WAXAAD RABTAAN IN SIDII UDUB DOORASHADA AAD U MAAMUSHAAN MISE

 

MUDANE M/WEYNE MA WAXAAD RABTAAN IN SIDII UDUB DOORASHADA AAD U MAAMUSHAAN MISE
Ayaamahan waxa saxaafadda ku mashquulay wasiirada ugu dhodhow madaxweyne Riyaale,iyagoo si toos ah u mudaaya xisbiyada mucaaridka,hadana dhinaca Somaliya aad moodo inay gacan haadis u fidinayaan.Sidaa waxaad dib uga akhrisan kartaa hadalada ka soo baxaya madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed,wasiirka maaliyada Mudane Cawil,wasiirka hawlaha guud Mudane Sulub ee ay saxaafada Somaliland ku baahiyeen.

Taa waxa soo raaca aragtiyaha murugsan ee ku soo arooray shakigii marka horaba shacabku ka qabay xisbiga UDUB inuu diyaar u yahay doorashadu inay ku qabsoonto waqtigii loo cayimay ee 29March 09 ee beryahanba la saadaalinayay inay komishanku warqadii cayimaada u gudbiyaan madaxweyne Riyaale si uu u soo saaro digreetadii rasmiga ahayd ee ku dhawaaqida qabsoonka doorashadaa maalintaa loo cayimay.

Waxa se haatan madaxweyne ku xigeenka Mudane Ahmed iyo gudoomiyaha komishanku Mudane Jamac hadaladooda ka muuqda inaanay suurta gal ahayn inay doorashadu ku qabsoonto waqtigii loo cayimay balse ay dib u dhici karto bil ilaa saddex bilood.Sidaa waxay ku cadeeyeen waraysigii BBC´da uu siiyay gudoomiyaha komishanka iyo war saxaafadeedka uu qabtay madaxweyne ku xigeenku Mudane Ahmed isagoo ku sal goynaya qodobo ay isla qaateen xisbiyada qaranku.

Waxa hadaba meesha ku jira ee looga meeraysanayo qabsoonka doorashada ma la odhan karaa xisbiga UDUB oo ku guul daraystay hogaaminta dalka kuna andacooda nabadgelyada shacabku ku fara adaygay inuu sheegto horumarkeeda ayaa u tafo xaytay inuu doorashada u maamulo sidii uu maamulay shirkii UDUB,mase la odhan karaa waxay rajo ka qabaan wada hadal lala yeesho dawladda laga foolinayo ee Somaliya!

Waxa nasiib darro ah inuu xisbul xaakimku aragtidiisa ku ekeeyo hogaamada labada xisbi mucaarid,kuna tilmaamo inay yihiin raggii dhinacoodu dhulka bartay,waa aragti ka baxsan saaxadda tartanka siyaasadeed ee xisbiyada ku tartamaya hogaaminta dalka Somaliland.
Waxa shacabku uga fadhiyaa xisbul xaakimka inay soo bandhigaan horumarka iyo dib-u-dhaca ku yimi dalka muddadii ay ka talinayeen iyo isbedelka ay rabaan inay ku soo kordhiyaan waxqabadkooda hadii ay ku guulaystaan doorashada soo socota,waxaana looga fadhiyaa inay bayaamiyaan habka ay raacayaan haday doonayaan inay wax ka bedelaan dhaqaalaha,waxbarashada, iyo kaabayaasha adeegyada bulshada.

Waxaynu u soo joognay godkii madoobaa ee ay UDUB la gashay doorashadoodii xisbiga,maantana waxaynu u jeednaa inuu xisbul xaakimku ka meeraysanayo inay doorashadu si cad oo xalaal ah u dhacdo.

Waxan ku soo afjarayaa qormadan anigoon xisbina ka tirsanayn balse ah muwaadin xaq u leh inaan aragtidayda ka dhiibto dabaylaha siyaasadeed ee ku soo fool leh dalkayga,Mudane madaxweyne Riyaale ma waxaad rabtaan inaad sidii shirkii UDUB doorashada u maamushaan mise dawladda Shariif ee Somaliya,lagana foolinayo ayaad la sugaysaan dalka.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: