MUDAHARAAD SALMI AH OO KA DHICI DOONA WAAXDA GACANLIBAAX!!!!!!!

MUDAHARAAD SALMI AH OO KA DHICI DOONA WAAXDA GACANLIBAAX!!!!!!!
u : Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland
Ku: Taliyaha saldhiga waaxda Gacanlibaax
Og: Dhamaan dadweynaha waaxda Gacanlibaax
Og: Dhamaan shacbiga Somaliland
Og : Xisbiyada, UDUB, Kulmiye iyo UCID.
Ujeedo : Banaanbax Salmi ah oo ka dhici doona Waaxda Gacanlibaax

Waaxda Gacanlibaax oo ah waaxda ugu ballaadhan caasimada Hargeysa, bixisana cashuurta ugu badan ee ay waaxyuhu bixiyaan, ayaa ah mid aan lahayn wax garoon kubbada cagta ah oo lagu ciyaaro, maayorka Hargeysa oo dhawr jeer loo tagayna waxa uu sameeyay ballanqaadyo afka ah oo aanay illaa hadda waxba ka hirgalin.
Garoon la’aantani waxa ay sababtay in ay dhalinyaradii waaxdu ka jeestaan ciyaaraha, oo ay u jeestaan balwadaha uu qaadku u horeeyo, maadaama oo waayeen meel ay ku ciyaaraan. Garoonkii waaxda waxa xilligii dawladii Siyaad Barre laga dhisay tiyaatarka.Taasina waa cadaadis waaxda haystay illaa xilligaas.

Haddaba annaga oo ah gudigii dhalinyarada Gacanlibaax, waxa aanu wasaarada arrimaha gudaha ka codsanaynaa in ay noo ogolaato mudaharaad ka dhici doona waaxda Gacanlibaax, oo lagu dalbanayo helista garoon kubbada cagta ah. Mudaharaadakanin waxa uu dhici doonaa maalinta Arbacada 18.02.2009, saacada 9:00 Am,halka uu ka dhacayaana waa laamida u baxda Berbera, agagaarka kaalinta shidaalka ee inna Gallan, illaa fooqa Garaad. Habka uu u dhacayaana waa .laba kooxood oo kubbada cagta ah ayaa laamida ku yeelan doona ciyaar saaxiibtinimo oo kulul.

Waxa aanu codsanaynaa in maalintaas gawaadhiga na laga joojiyo, dadweynaha Caasimada iyo dhamaan axsaabta qaranka mucaarid iyo muxaafidba waxaan ku martiqaadynaa in ay ka soo qaybgalaan daawashada ciyaartan qiimaha badan.

Waxaanu mar kale wasaarada arrimaha gudaha iyo saldhiga Gacanlibaax la socodsiinaynaa mudaharaadkan oo aan wax rabshad ah lahayn haba yaraatee.

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidha Qabanqaabiyaasha mudaharaadka

Gudiga Dhalinyarada Gacanlibaax

1.Xamse Maxamed Ismaaciil 4418572
2.Siciid Maxamuud Gahayr 4428604
3.Guuleed Aadan Axmed 4434309
4.Sayid-Cali C/Raxman Axmed

Waxa soo gudbiyay Sayid Cali Cabdiraxmaan Axmed
sayidcali5@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: