M/WEYNE KU XIGEENKU UDUB AYUU SHALAY KU DHEX KUFAY MAANATAN QARANIMADII S/LAND AYUU GAWRACAY

M/WEYNE KU XIGEENKU UDUB AYUU SHALAY KU DHEX KUFAY MAANATAN QARANIMADII S/LAND AYUU GAWRACAY
Madaxwayne Ku Xigeenku UDUB Ayuu Shalay ku DHex kufay Maantana Qarannimadii Somaliland Ayuu Gawracay 

Baadida ninbaa kula deydeyi, daalna kaa badine 
Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye 
Dadkuna moodi duul wada dhashon, wax u dahsonayn 
Dilla malaha aakhiro haddii loo kitaab dayoe 

Hadii ay madaxwayna ku xigeenka latahay in si fudud loo duudsiyi karayo dhiigii shuhadadii shacabka Somaliland, waa u ayaan daro. Axmed waxa uu beryahanba ku celcelinayay hadalkaa uu ku beerlaxawsanayo koonfurta soomaaliya . Mana aha markii u horaysay e waxa ka horeeyay tii uu ka horlahaa jaaliyada hawiye markii uu shahaado sharafta ka gudoomanaayay sanadkii ina dhaafay ,2008. Runtuna waxa weeye Axmed ma soo mariyeen afkiisa hadalada ka soo yeedhaya xiligan hadii ay ku cuslaanlahaayeen shuhadadii dalkan u shahiiday. Waxa nasiib daro ah in Axmed ilawsanyahay kuwii uu sababtooda maanta uu ku fadhiyo kursiga. Oo weliba ku dhinac aasan aqalkiisa. 

Hadba hadii ay Axmed yaasiin ka tahay in uu sameeyo xidhiidh dublu maasiyadeed waxa u furan siyaabo badan oo aanu xaqa somalilandna, ee ay muranka geliyeen nimanka uu u sacabbo tumanayo. Arintani waxay diraysaa fariin cad oo ah “reer koonfureedaw waanu soo quusannay walaalayaal noo naxa ama naga fura jeelkaa nagu isku xidhnay.” 

Mana aha ninka loo botorinayo madaxnimadiisu in uu ka sookeeyo kuwii hore e waxa weeye “ waraabaha soo ciya iyo kan aamusan , kan aamusan ayaa khatarsan” Waxa aan sugaynaa waxa weeye maalindhaw In hadana Axmed yaasiin iyo C/laahi M. ducaale in hadana ay dib candhuuftooda u liqaan oo ay idaacadaha ka naadiyaan “hirbaa noo hillaacay, maalintaasi waxa ay noo sheegi doonaan hala sugo. Iyagoo leh “ igama qudhunto…” 

Bal inuu Hanfade waalanyahay, Habi la aantiisa. 

Siduu ku ogaaday in shariif u dhaamo kuwii hore somaliland? Ma hambalyo ayaay ka heleen? Ma jabuuti ayaa la isku soo arkay ? Halkaasina Waa tuhun cusub e la soco!! Mise sheekaduba waa habartii awrkeedii jarka ka tuurtay ee awrkii cirka raadsatay. 

Xataa hadii si quman loo dhigo hadalka axmed waa hadal dhinacwalba loo jiidi karo taasina waa ta jaaniska siisay in looga soo hanbalyeeyo xamar dhexdeeda. Why ? Hadaan wax ku jirin hadalkaaga. 

Axmed isagu ma meel lagu jabay ayuunbuu jiqilo waynyahay, shalay ayaa daad moos la isaga dhigay UDUB dhexdeeda oo la gu bahdilay magaciisa. Runtiina marka la raaco shirkii UDUB waxa uu sixun u daaha uga fayday kalsoonidii shacabku ku qabeen sh. Axmed tixgelin xaga sheekhnimada ah awgeed, tiina way ku daysay maanta. Hase ahaatee axmed arintaasna iskama garan imikana tiihoreba sahaale ayay maraysaa marhadii uu dood ka dhexfuray shacabka somaliland iyo somaliya oo leh madaxdiinaa na doonaysa!!

Cali Cawaale Cismaan

Toronto, Canada

ccawaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: