14 QODOB OO RIYAALE KU WAAYAYO DOORASHADA HADIISE LOO ILDUUFO S/LAND MOOYI SIDAY NOQON

14 QODOB OO RIYAALE KU WAAYAYO DOORASHADA HADIISE LOO ILDUUFO S/LAND MOOYI SIDAY NOQON
Afar iyo toban qodob oo Madexweyne Riyale ku waayayo Doorashada Hadiise loo ilduufo Somaliland Mooyi Siday Noqon

1:Ku tumashada Dastuurka, Iska idho tirka xaqiiqada dalka ka jirta

2: Musuqa Maasuuqa baahay ee taabtay meelkasta iyo maamuulkaba

3: Dhaqaalo xumada iyo sicirbaraarka oo soo jabiyey ooda oon loo hayni afsaar

4: Nabad galyo xumada oo iyana ku socota heerkii ugu hooseyey tan iyo intii uu xilka qabtay

5:Boobka hantida qaranka oo noqotay wax aan la qarsan balse la moodo in dalka yahay mid xaraasha

6: Khayraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay oo isna uu ku socdo xaaluufina ba ani taaso oon dadka ka wada faaiidaysan malaayinta dollar ee qandaraasyada loogu siinayo maraakibta shisheye

7: Daryeel la aanta cidaanka qaran Darajo la aanta ay ku gu jirsaday mudadii ay dhisnayeen oo ila hada aanu jirin taliyo ciidan oo wadan haba yaraate wax darajo ah taasina ay sumcad xumo iyo karaamo seegba ku tahay dal sheegayna dawlad balse ciidankuusu lahayn qaab iyo darajo lagu kala sooco midna.

8: Daryeel la’aanta caafimaad ee dalka oo iyana gaadhay heer qof dollar haystaa mooye aanu jirin cid dawayn karta Danyartiiba.

9: Waxbarashada ayaa iyana ah mid hoos u sii dhacaysa taaso dhamaan dadka inta wax haystaa uun awoodi karto in ay ubadkooda wax baran dowladuna ay ka gaabisay inay samayso qorshayaal ay kor ugu qaadaysa adeegyada 10waxbarasho tobobaro macaalimnta iyo isku xidhka guud ee jamacadaha wadanka ka jira.

11: Shaqo laaanta oo iyana maraysa meeshii ugu hoosaysay iyo qiraal laaanta aaanay xukumadu uba soo jeedin in xitaa ay qirto in dalku marayso meel baababa oo dadku ay u dhimanayaan macaluul taaso keentay kumaan qof in ay tahriibaan wadamada dibada kuna biimeeyaan naftooda mahalakada saxaraha iyo badaha.

12: Qorshe iyo Strategyad la’aanta xukumada wakhtiga dhow iyo ka fogba taaso dalka ka dhigtay mid lagu maamuulo maalin walba wixii ku soo kordha ee aanay jirin wax barmaamuuj xukumadeed oo dalka jira.

13: Tayo xumuda golaha wasiirada ee aan lahayn jaangoyn dhaqaale iyo mid nidaamid ee faraha ka batay bal noqday u adeegayaal danaha madexweynaha.

14:Qabyaaladii qaranimada Somaliland ka dooratay oo wali madexweynaha Somaliland ku maamuulo dalka taaso iyana ka tagaysa raad xun Akhiirkii wixii ugu weynaa ee Somaliland Xukumad kastaba xooga saari jirtay dhaqaale iyo awood kastaba ah oo raadin Ictiraafka loo helo Somaliand ayaa looga tagay wasaarad uu wasiirku kaligii ka yahay shaqaale agaasime taasi ka dhigaysa in uu yahay madexweynihii ugu horeyey ee Somaliland ee aan wax badan ku bixin dhanka diblamisaya

Qofkasta waxaa uu yaala in uu dib ugu celiyo dalka Shan sano oo la mida ama kaba liidataba ta taal hadii aan madexweyne Riyaale iyo xukumadoodu ka faaiidaysan Shantii sano iyo dheeraadkii ma looga fadhiya in ay Shan sano oo kale ku keeni karaan dawlad wanaag cadli horumar dhowrista dastuurka iyo in dalka ay gaadhsiiyaan maqaan sare oo maamuus ka mudan bulshada calaamka.

Daoud Giilingiil
gilingil@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: