EREYADA AFSOOMALIGA AH EE LOO ISTICMAALO SI KA DUWAN MACNAHOODA QAYBTII 3AAD

EREYADA AFSOOMALIGA AH EE LOO ISTICMAALO SI KA DUWAN MACNAHOODA QAYBTII 3AAD

Erayada Afsoomaliga ah ee loo isticmaalo si ka duwan macnahooda :-

Qaybtii 3aad.

Erayada dhinaca ciidamada:-

Sidii aan horeba idiinku soo gudbiyey,in intii ay jirtay luqada Afsoomaligu waxaa markasta soo baxayey erayo cusub oo ku soo biirayey Afsomaliga,waxaan ula jeedaa hadal ahaan iyo macnaha loo isticmaalayo,balse erayada qaarkood way jiri jireen AfSoomaali ahaan ee macnahoodii ayaa loo isticmaalay si kale

Erayada qaarna waa qaar ka dhashay amase ka soo dhex baxayey xaaladaha kala duwan ee Soomalidu dhex mushaaxaysay 48 sanadood ee ugu dambeeyey.

Erayada caanka noqday waxaa ka mid ah,Tusaalle ahaan erayga KACAAN,weligii waa jiri jiray, waana da, “Cali isku kacaan yaanu ahayn”oo loola jeedo “isku da’

Faqash:- Eraygu waa eray Afsoomali ah macnihiisuna yahay “ SANQADHA” uu sameeyo qof orod xun amase qof socod xumi, “waar maxaad la faqash faqash leedahay” “dhinaca kale waa sanqadh uu sameeyo qof ay kabuhu ka badan yihiin amase ka waaweyn yihiin”, beryihii dambena waxaa loo isticmaali jiray ciidamadii Kacaankii 21Okt.

Bililiqo(waa layska qaatay ):- Ma garanayo in ay Afsoomali saxa tahay iyo in kale balse waxaa loo yaqaanay wax “ cidla iska yaala oo qofba inyar iska qaato”,laakiin maanta waxaa loo yaqaan “TUUGADA” AMASE “DHACA” hanti aadan adigu lahayn,xalaalna aan kuu ahayn oo aad si tuugo ah ku qaadato.

Ciidan-beeleed- Waa laba eray oo kala ah “Ciidan” iyo Beeleed” ,markaa waxaa loola jeedaa Ciidan Qabiil” amase ciidan Beel u gaar ah.

Maryo Calas-Waa laba eray waxaana loola jeedaa “Ciidamo aan dress-kii ciidanka lahayn”,balse xidhan dharka caadi ah ee rayidku xidho.

Gaas-dhegoole-“ Waa laba eray ,waaxaana loola jeedaa “Ciidan aan waxba maqlayn” amase aan amarada si fiican u qaadan” “amase waa ciidan aan lahayn tababar ciidan”,inta badanna waa ciidan laga soo ururiyey “reer miyiga”

Maleeshiyo Beeleed:- Waa laba eray ,waxaana looga jeedaa “Ciidan reer amase Qaabil gooni u leeyihiin”

Saddexdan eray waa isku macne waxaa loo yaqaanaa Ciidamada aan lahayn wax tababar ciidan ah,inta badana,waa ciidamado hab Qabiil lagu soo ururiyey.Maryo- Calas:- waxaa laga isticmaalaa Gobolada Puntland,Gaas-Dhegoole: waxaa laga isticmaalaa Somaliland,Ciidan Beeleed:- waa eray la macno ah labada hore,waxaana laga isticmaalaa guud ahaanba Soomaaliya.

Dayday- Mooryaan-Dhul Jiif:- Erayadani waa isku macne,dhaamtoodna waxaa loola jeedaa “Koox dablay ah oo aan cidna ka amar qaadan,kuwaas oo geysta dhac,boob,kufsi,dil iyo dhamaan waxyaabaha ka soo horjeeda sharciga iyo bini aadminimadaba..

Earayga MOORYAAN Afsoomali ahaan wuxuu ka soo jeedaa mid ka mid ah DUQSIGA(DIXSIGA) kaas oo inta badan cuna BAKHTIGA iyo SAXARADA,waa Duqsi ka weyn Duqsiga caadiga ah kana midab duwan.

Dagaal Oogee-Qab-qable Dagaal:- Waa eray Soomaali ah loolana jeedo qof had iyo jeer ka shaqaynaya sidii loo dagaalami lahaa,isagoo ka leh dano gaar ah,inta badan Dagaal-ooge wuxuu raadiyaa sidii Xil uu heli lahaa.

Cabdi- Bille:- Waa magaca orodyahankii Soomaliyeed ee caanka ku ahaa Ciyaaraha fudud,gaar ahaan orodada,marna qaatay Bilada Dahabka ah,balse manta waxaa loo yaqaanaa mid ka mid ah Baabuurta Qorayuhu saaan yihiin ee lagu saxuuqo shicibka .

Waa Gaadhi aad u dheereya ah nooca loo yaqaan Toyota.

Jidgooyo-Isbaaro:- Isbaaro Waa eray Af-Talyaani ah ,oo loola jeedo jid-gooyo,balse si buuxda loogu bedelay Afsoomali,waxaana laga isticmaalaa Soomaliya ,waa eray beryahan dambe aad can uga ah magaalada Muqdisho.

Budh cadbadeed:-Waa eray Afsoomaaliga,waa laga yaabaa in uu hore uga jiri jiray dhulka Xeebaha,balse anigu hore uma maqal.Eraygan waa laga heli karaa luqadaha kale sida Ingiriisiga oo ah (Pirates).

Ciidamada huwanta ah:- Eraygani waa eray Afsoomaali ah,waxaana loola jeedaa Ciidamo isku jira ,Tusaalle ahaan:-waa Ciidamo ka kooban wadamo kala duwan,kuwaas oo inta badan ay ka muuqdaan Calamo iyo calaamado wadamo kala duwan.

Hadal iyo dhamaan waa jiraan erayo badan oo kale ,balse waxaan soo qaatay inta aynu maalin kasta maqalo ama inta badan la isticmaalo,laakiin umma jeedo in ay intan ku dhan yihiin.

………….la soco qaybta 4aad iyo erayada Siyaasada —–

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: